Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Maalinta 1da July oo Maanta Gobolada Qaar ee Dalka Soomaaliya laga Xusay
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:405
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:314
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 01 2008
Maalinta 1da July oo Maanta Gobolada Qaar ee Dalka Soomaaliya laga Xusay
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 01 July 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)- Manaasibada 1 Luuliyo oo ah Markii ay Xoriyada qaateen gobolada Koonfureed ee Soomaaliya islamarkaana ay midoobeen labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfurta ayaa Maanta laga Xusay qaybo ka mida Gobolada Dalka Soomaaliya.

Gobolada Banaadir,Bay iyo Gado ayaa waxaa ka dhacday Munaasibado lagu waynaynayo 48 guuradii ka soo wareegtay Maalintii ay Xoriyadda qaateen Gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya islamarkana ay la Midoobeen Gololada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya.

Magaalooyinka Muqdisho,Baydhabo iyo Baardheere ayaa Xalay ilaa iyo saakay waxaa ka Socday dabaal degyada si weyen loogu weeyneeynayo Munaasabada 1 Luuliyo oo ah Maalin ku wayn Shacabka Soomaaliyeed,waxaana Maanta Munaasabadahaasi qaar ka hadlay qaar ka mida Mus,uuliyiinta Dowlada KMG Soomaaliya waxana ay diirada kuwada saareen qudbooyinkooda Munaasabada 1 Luuliyo.

Degmada Baardheere ee Gobolka Gado ayaa waxaa ka dhacday Xaflado si weyn looga Xusay Manaasabada 1 luuliyo oo ah markii ay ka xoroobeen gumaysigii talyaniga iyo israacii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfuta waxaana halkaasi isugu soo baxay dadweeyne aad u farabadan kuwaasi oo watay caleemo qoyan wadooyinka Magaaladana ku lugaynayay.

Munaasabadahaan ka dhacday qaybo badan oo ka mida dalka Soomaaliya ayaa waxaa inta badan lagu soo Bandhigay qaybaha kale duwan ee muujinaya wax yaabihii lagu Xasuusan jiray Munaasabada 1 luuliyo gaar ahaan heesihii ka tur jumayay munaasabada markii la raacdeeyay gumaystayaashii Talyaaniga iyo Ingariiska iyo israaci laba Gobol ee wadanka Soomaaliya.

Inkastoo Munaasabadahaan si weyn looga Xusay qaybo ka mida dalka Soomaaliya ayaa hadana waxaa jira dad iyagu sheegaya in ay munaasabadaan ku soo beegantay xili aad u uxun islamarkaana ay qaar ka mida gobolada dalka ay ka jiran dagaalo ay dad rayid ah ku dhimanayaan kaasi oo u dheeya Ciidamada Itoobiya iyo Xoogaga ka soo horjeeda Siyaasada Dowladda KMG Soomaaliya iyo Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

Golaha Abwaanda Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegeen in haatan aan loo baahnayn in loo dabaal dago munaasabada 1 Luuliya Xili ay wadanka joogaan Ciidamada Itoobiya kuwaasi oo gumaad ku haya Shacabka Soomaaliyeed waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu Xoriyada qaatay sanadkii 1960 bishii June oo ay ka Xoroobeen gumaystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska ku waasi oo gumaysi ba'an ku hayay shacabka Soomaaliyeed taasi oo dhalisay in ay aas aasman 13 kii SYL oo ahaa dhalinyaradii dalka Soomaaliya Xoriyada u soo hooyay.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >